caroog.net
Fallanqeeye iyo aqoonyahan si weyn u taageera Farmaajo oo lagu afduubtay Nairobi
September 10, 2021 - Written by caroog
Fallanqeeye iyo aqoonyahan si weyn u taageera Farmaajo oo lagu afduubtay Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu afduubtay fallanqeeye iyo aqoonyahan kasoo jeeda Soomaalida Kenya, oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, kaasi oo si weyn u taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiwahaab ayaa waxaa la waayey Arbacadii 8-da Bishan sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyagoo ka raadiyey dhammaan saldhigyada iyo xarumah ciidamada, balse ma helin wax akhbaar ah oo xaaladiisa ku saabsan.

Rag aan heybtooda la garaneyn ayaa Cabdiwahaab waxay ka afduubteen waddada Turbman ee magaalada Nairobi, ragga afduubka geystay ayaa la sheegay inay wateen hub iyo gaari.

Cabdiwahaab oo da’diisa lagu sheegay 55-sano jir ayaa ka faalloon jiray arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna kasoo muuqan jiray Warbaahinta Kenya iyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo faaqidaya arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiwahaab ayaa dhawaan tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna markaas kadib noqday taageero daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale loo qoray lacag si uu warbaahinta uga taageero Farmaajo.

Barta uu leeyahay Twitter-ka ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku badashay meel lagu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna la rumeysan yahay inuu sidoo kale taageero weyn u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Itoobiya Abiy Ahmed.

COMMENTS
Latest News