caroog.net
Gidaarkaa Ay Xalay Soo Mari kari waayeen Ciidanka Dabdamisku Waxa Dhisay Ciidanka Booliska.
July 5, 2021 - Written by caroog

Hargeysa, July 5, 2021- (Caroog) – Kadib markii shalay galab dab ka kacay xaafad ku taalla liinka Booliska magaalada Hargeysa ay ku waxyeeloobeen dad shacab ahi sidoo kalena ay halkaasi gurmad ka galeen ciidanka dab-demiska Somaliland iyo masuuliyiinta heer degmo iyo heer Gobol ee Hargeysa waxa baraha Bulshada dad aan xogogaal ahayni ku baahiyeen in goobtii looga gurman lahaa guriga dabku qabsaday ay dayr ka dhisatay shirkadda DAHABSHIIL arrintaasi oo aan ahayn mid gabi ahaanba xaqiiqo ah oo been abuur cad ah.

Dad door ah ayaa xalay baraha Bulshada waxa ay ku baahiyeen qoraal iyo sawirro laga qaaday goobta dambku qabsaday meel u dhaw oo lag dhistay dayr kaasi oo ay dadkaasi shirkadda DAHABSHIIL ku eedeeyeen in ay dhisatay haddii aan goobtaasi la dhisanna ay ciidamada dab-demiska Hargeysa si dhib yar u gaadhi lahaayeen guriga dabku wax yeeleeyey.

Sida aanu ilo xog ogaal ah ku helnay arrintan ayaa ahayd mid aanay waxba ka jirin iyada oo la xaqiijiyey in dayrkaasi ay hore u dhiseen dawladdu iyada oo ujeedada dayrkasi ahayd in aan lagu fidin garoonka ku dhex yaalla xaafadda laynka Booliska sidaa darteed aanay shirkadda DAHABSHIIIL wax shuqul ah ku lahayn goobtaasi, cidda dhistayna ahayn sidoo kalena aanay goobtaasi ka mid ahayn dhulka ay leedahay shirkaddu sidaa darteed ma jirto sabab alla sabab DAHABSHIIL loogu dhaliili karaa falkaasi.

Qaar ka Mid ah Dadka shacabka ah ee ku nool LAYNKA BOOLIISKA oo aanu wax ka waydiinay eeddan shirkadda DAHABSHIIL loo jeediyey ayaa sheegay in aanay arrintaasi waxba ka jirin shirkadduna dayrkaasi aanay iyadu dhisin, balse Ciidanka Booliisku dhiseen, iyagoo u jeedadoodu ahayd inaanay shaqaalaha iyo costomerka Shirkaddu gaadiidka dhigan Garoonka liinka .

Dadkan ayaa waxa hadaladooda ka mid ahaa “Dahabshiil waa shirkad wadani ah oo dalka iyo dadkeeba wax badan u qabatay, wanaaggeeda ka shaqaysa oo aan haba yaraatee looga baran wax hagar daamo ah mana jiro sabab ay meel dayr uga dhisato oo ay dadka ku xannibto waana dacaayad aan macno lahayn, dadkuna ogyahan in dayrkaasi cidda dhistay ay ahayd cid marka hore doonaysay in ay ku ilaaliyaan garoonka ku dhex yaalla xaafadda Laynka Booliska” sidaa waxa yidhi Axmed Xuseen oo ka mid ah dadka jaarka la ah Goobtan dayrka laga dhisay oo aad uga biyo diiday been abuurka iyo dacaayadda shirkadda DAHABSHIIL lagula dul kufay..

Source: Foorenews

 

COMMENTS
Latest News