caroog.net
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi Ku Sifeeyay Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Kursiga Kaga Dhaadhaca Taariikh Xumo Iyo Rajo La’aan
October 2, 2021 - Written by caroog

“Cabdiraxmaan Tuur Iyo Cigaal Seeska Ayay Somaliland U Dhigeen, Nabadgalyada Ayay Dhiseen, Madaxweyne Daahir Riyaale-Na Xisbiyada Badan….Siilaanyo Waxa Uu Keenay DP-WORLD, Muuse Waxa Uu Ka Tagayaa…” Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa(Caroog.net) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi wakhtigiisii ku dhamaystay rajo la’aan iyo taariikh Xumo, islamarkaana aanu jirin hal taariikh ah oo lagu xasuusan doono oo uu ka tagayaa.

Gudoomiye Faysal Cali oo Khudbad ka jeediyay Dufcadii 10- Aad ee ka qalin jabisay Jaamacadda Alpha ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland Soo maray Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” uu taariikh suntan ku leeyahay Somaliland oo uu ka tagay,taasi oo uu sheegay inuu seeska u dhigay Somaliland, islamarkaana uu nabadda aynu maanta ku dhaaloolaynay uu seeska u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in  Madaxweynihii ku xigay oo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu isna door weyn ka qaatay Dhismaha iyo Hub ka dhigistii Somaliland, Isagoo sheegay inuu Seeska u dhigay Ciidamada Somaliland, xafiisyada iyo haykalka Dawladnimo ee illaa maanta Somaliland ka shaqeeyay. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Cigaal taariikhdii uu tagay ay meel walba taalo oo ay shacabka Somaliland si fiican uga dharagsan yihiin, kunna xasuusa yihiin.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo isna Cigaal xukunka uga dambeeyay uu kaalin mugleh iyo taariikh muuqata oo dalka galiyay, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Daahir Riyaale ku guulaystay inuu dalka ka hirgaliyo nidaamka Xisbiyada iyo dimuqraadiyada ay Somaliland ku faanto isagoo sidoo kalena sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo isna uga sii dambeeyay uu isna dalka keenay Shirkadda DP-World taasi oo indhaha Caalamka inagu soo jeedisay. waxa kale oo uu sheegy in Siilaanyo horumar  balaadhan dalka gaadhsiiyay islamarkaana uu dhisay hay’addaha Dawladda.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Ardaydii uu Munaasibadda kala qayb galay weydiiyay su’aal ku saabsan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Isagoo si gaar ah wax uga weydiiyay waxa uu qabtay, iyo taariikhda uu tagayo? Taasi oo ay ardaydii hoolka fadhiday ugu jawaabtay inaanu jirin wax qabad Madaxweyne Biixi ka tagayaa. Eng Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi wakhtigiisii ku dhamaystay rajo la’aan iyo taariikh Xumo islamarkaana ay hungo ka taagan yihiin Bulshadii reer Somaliland ee Dooratay. Waxa uu ku dhaliilay Madaxweyne Biixi inaanu daacad ka noqon hogaaminta dalka islamarkaana aanu fulin balan qaadkii uu sameeyay. Ugu dambayn waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi wakhtigii la doortay uu dhamaad yahay, taariikh maanta lagu xasuusto oo uu ka tagayaanna aanay jirin.

COMMENTS
Latest News