caroog.net
Halista Caafimaad ee Laga Dhaxlo Soo Jeedka Habeenkii (Saamalaylka)- Ma Baddalnaa Caadadan Xun?!!
July 22, 2020 - Written by caroog

Halista Caafimaad ee Laga Dhaxlo Soo Jeedka Habeenkii (Saamalaylka)- Ma Baddalnaa Caadadan Xun?!!

– Waa Caado xun oo casri ah. Waxa ay ka soo hor jeeddaa oo Lid (Caksi) ku tahay sunnaha Ilaahay Aadamaha u jideeyey ee ku aaddan in qofku maalintii shaqaysto, habeenkiina nasto oo seexdo.
-Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jidhka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jidhkeena ee Eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed soo jeedka iyo hurdo la’aanta joogtada ahi waxay keentaa in qofka jidhkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunnada.
-Hurdadu waxay yaraysaa miisaanka qofka, soo jeedkuna wuxuu keenaa cayil iyo buurni, waxay cilmibaadhayaashu arkeen in dadka soo jeeda habeenkii in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada hela, taasina waxaa lala xidhiidhiyay in hurdo yaridu ay yareyso maaddo la yidhaahdo “leptin” taasoo qofka dherega dareensiisa waxuu kaloo saamalaylku kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka qofka dareensiiya gaajada.
-Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka soo jeedka badiyaa wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii oo dhan shaqo ku jireen, hadduu qofku soo jeedka badsado oo u barto waxay keentaa niyad jab, diiqad iyo welwel, daraasad lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqaddu ku badan tahay ayaa lagu ogaaday in ay badankoodu aanay helin hurdo ku filan.
– Soo Jeedka habeenkii waxa uu keenaa Hammo la’aan dhinaca gogosha ah, hoos u dhac ku yimaad awoodda uur qaadista, waxaanay yaraysaa xayawiyadda (Firfircoonida jidhkeed)

Maxamed Ilkacase

Image may contain: one or more people, people sitting and phone

COMMENTS
Latest News