Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Kiiska Xildhibaankii Golaha Wakiiladda Ka Tirsanaa Ee Shalay Badhtamaha Hargeysa Lagu Dhex Garaacay? Maxaase Loo Xidhi Waayay Suldankii Falka Ku Kacay?
October 2, 2021 - Written by caroog
“Wararka Foore Ka Helay Kiiskan Ayaa Sheegaya Inaan Illaa Xalay La Xidhin Suldaankii Dhaawac Gaystay,Lagana Warsugayo Taliyaha Ciidanka Bilayska Oo Shalay Safar U Raacay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Laascaanood.
Hargeysa(Caroog.net) – Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Foore ka helay kiiska Xildhibaanka Golaha Wakiilada ka tirsan oo Shalay Suldaan ay isku hayb yihiin ku dhex garaacay Suuqa Hargeysa kaasi oo uu nabar culus u gaysta islamarkaana dhiig badani ka yimid xagga madaxa ayaa sheegaya inaan wali la xidhin Suldaanka.
Waxa shalay mar qudha baraha bulshada qabsaday sawirro argagax leh oo ku saabsan Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo dhiig badani ka qubanayo kaasi oo uu sheegay inuu dhaawacaasi culus u gaystay Suldan Saleebaan Boqor Cismaan oo ay isku hayb hoose yihiin kaasi oo ay maalmihii u dambeeyay warbaahinta isku waydaarsadeen hadalo Xanafleh, kuwaasi oo la aaminsan yahay inay talaabadani uu suldaanku qaaday ay dabada ku hayso hadaladaasi xanafta leh.
Xildhibaanka ayaa sheegaya inuu hay’addaha Sharciga ka dacweeyay balse Wararka Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya inaan Illaa xalay la xidhin Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, taasi oo walaac ku abuurtay dad badan oo isha ku hayay in kiiskaasi laga jawaabo islamarkaana Suldaanka xabsiga ladhigo, Xildhibaankuna cadaalad deg deg ah helo oo loo soo xidho masuulka dhaawacyadaasi culus u gaystay
Wararkii ugu u dambeeyay ee aanu ka helnay illo u dhuun daloola ama ka ag dhaw Suldaanka iyo Xildhibaanka ayaa no xaqiijiyay in kiisan lala sugayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Maxamed Aadan Saqadhi “Dabagale” oo in yar ka hor kiiskan safar dhulka ah ugu baxay Gobolka Sool, isagoo ka mid noqday wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Gobolka Sool Shalay u baxay.
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyaha Golahaasi oo booqday Xildhibaanka dhaawacan ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii uu Xildhibaan Guruuje cadaalad deg deg ah u heli lahaa ee loo soo xidhi lahaa Suldaankii Dhaawac u gaystay.
Wararkan ayaa intaasi ku daraya in dhinaca kalena ay socoto waan waan la iskugu soo jiidayo laba dhinaca ee gacanta ka dhex dhacday maadaama ay yihiin ehel dhaw. Inkasta oo wararku sheegayaan in marka hore laga shaqaynayo sidii Suldaanka loo xidhi lahaa dabadeedna wada hadal loo bilaabi lahaa.