caroog.net
Hirdan Culus Oo Ka Taagan Maayarnimada Gabiley Iyo Duqii Hore Oo Xidhibaanadii Taabacsanaa Ku Aamini Waayay Gabiley, Ulana Guuray Berbera.
June 20, 2021 - Written by caroog

“Duqii Hore Ee Gabiley Maxamed Amiin Oo Laba Ka Mid Ah Mucaaridka Gacanta Ku Dhigay, Xalay Illaa Shalayna Ku Haystay Berbera Si Aan Loogala Hoos Bixin.

Gabiley (Caroog.net) – loolanka loogu jiro Maayarnimada Gabiley ayaa mar kale soo laba kaclaysay waxaana si weyn ugu loolamaya laba nin oo isku jufo hoose ah oo mid yahay duqii hore ee Degmada Maxamed Amiin iyo Xildhibaan Cabdirashiid Haybe “Daacad”.

Loollankan loogu jiro Maayarnimadda Magaalada Gabiley oo maraya meel xasaasi ah xalay illaa maalmihii u dambeeyay ayaa waxa uu u dhexeeyaa xubnaha isbahaysiga Mucaaradka oo dhinac ah iyo Xisbiga KULMIYE oo kale riixanaya kursiga Maayarnimadda Magaalada Gabiley taasi oo uu Xisbiga Kulmiye ku dadaalayo inuu soo celiyo Maayar Maxamed Amiin oo hadda la sheegayo inuu hogaaminayo rajo la soo sheegayo.

Inkasta oo ay Gabiley ka mid tahay Deegaamada Lagaga adkaaday Xisbi Xaakimka Kulmiye haddana waxa si weyn faro baas ugu haya inuu kala fur furo inay hirgasho iskaashaan buuraysiga midawga Xisbiyada UCID iyo WADDANI Maayarkii hore ee Gabiley Maxamed Amiin Cumar oo taageero ka helay dhinaca Madaxtooyadda Somaliland islamarkaana adeegsanaya Xeelad kasta oo ay xiitaa lacagi kujirto, iyo sidoo kale hanaanka iyo habka saami qaybsiga Deeganka Gabiley oo uu muddo dheer kasoo ariminayay, waxaana lasoo sheegayaa inuu hadda aqlabiyadda haysto oo uu isagu ku horeeyo.

Maayarkii hore ee Magaalada Gabiley Maxamed Amiin oo isagu doonnaya inuu mar kale hantiyo kursiga Maayarnimadda Gabiley ayaa wadda dedaalo xooggan oo ku doonayo inuu ku xaqiijiyo arrintaas,waxaana la sheegay in Xildhibaanadda taacsan isaga inuu ku aamini waayey Magaalada Hargeysa iyo Gabiley inta la gaadhayo kal-fadhiga koobaad ee Golaha Degaanka Gabiley ay ku dooranayaa Maayarka iyo-ku-xigeenkiisa, waxaana uu shalay ula guuray Dhinaca marsada Berbera oo laba 200km in kabadan u jirta Gabiley.

Maxamed Amiin ayaa la soo sheegayaa inuu Illaa xalay uu xubnaha taabacsan kala maqnaa Gabiley isagoo uga gol lahaa islamarkaana kala cararaya inaanay ka kala daadin Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ee Gabiley ku sugani.

Wargeyska Foore ayaa soo ogaaday magacyada uu Maayar Amiin laaluushay ee uu Shalay kala baxa Gabiley ulana guuray Berbera kuwaasi oo laba ka mid ahi ay ka soo baxeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

  1. Mohamed Amin Cumar “Kulmiye” maayarkii hore.
  2. Mursal Mohamed Jama. “KULMIYE”
  3. Ahmed Abdilahi Khalif. “KULMIYE”

4 Abdirahman Nur Abokor. “KULMIYE”

  1. Ahmed Moh’ed Ciisood. “KULMIYE”

6 – Abdilahi Ismail Cabdi “WADDANI”

7 – Caydaruus Mohamed Sheekh. “UCID”.

COMMENTS
Latest News