Isku-Shaandhayn Muunaddeedu Tahay Mid Kaambayn Oo Madaxweyne Muuse Oodda Ka Soo Qaaday, Mid Ka Mida Haweenkii Wasiirrada Ahaa Oo Daaqadda Ka Baxday Iyo Wajiyada Cusub Ee Liiska Ku Soo Baxay
January 12, 2021 - Written by caroog
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray wareegtooyin ballaadhan oo isugu jira xil-ka qaadis, Beddel iyo Magacaabis la xidhiidha xukuumaddiisa oo u muuqata Mid kaambayn ama siyaasadeed, marka laga eego tirada masuuliyiinta badan ee uu isku shaandheeyey qaar cusubna Magacaabay halka uu sidoo kale xukuumaddiisa ku soo kordhiyay hay’ado ama laamo kale oo cusub.
Wareegtooyinka Madaxweynaha ayaa Golaha wasiirrada gabi ahaanba bannaanka ka dhigtay mid ka mid ah labadii wasiir ee Haweenku ku lahaa isaga oo Madaxweynuhu taa baddalkeeda Agaasimayaasha Guud ee xukuumadda u magacaabay tiradii ugu badnayd ee haween ah.
War-saxaafadeed Madaxtooyadu Shalay ka soo saartay digreetooyinka Madaxweynaha Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed- Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)- Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi. Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur- Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi – Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed – Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali – Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin – Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Marwo iyo Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.