caroog.net
KOOTADA HAWEENKU MA DASTUURIBAA MISE WAA QAYRUL DASTUURI?
August 7, 2020 - Written by caroog

Waxaa mudo dheer hadalhaynteedu taagnayd sidii ay ku heli lahaayeen haweenka reer Somaliland xaqooda siyaasiga ah ee uu Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u damaanad qaaday, helitaanka xaqaasi oo ay ka hor taagan yihiin caqabdo badan oo ay ka mid yihiin dhaqanka bulshada oo aan haweenka u aqoonsanayn in ay leeyihiin xaqa ay ku hanan karaan mansab siyaasadeed iyo hanaanka doorashooyinka somaliland oo uu qabiilku door wayn ka ciyaaro, loona arko haweenku in aanay mudnayn in ay matalaan qabiiladd ay ka soo jeedaan ama ay u dhaxeen, halka ay siiyeen mudnaanta dhaqanka iyo qabiilkuba ragga.

Dawladana waxaa marar badan lagu dhaliilaa in aanay haweenka siin xaqoodii dastuurku u damaanad qaaday ee sinnaanta dhinaca matalaadda siyaasadda. Sababtoo ah waxay ka gaabisay in ay la timaado hannaan ay ku suuro-galiso in ay haweenku helaan xaqaasi siyaasiga ah si looga guulaysto caqbadaha ka hor taagan haweenka xaqooda siyaasiga ah loona yareeyo faraqa u dhexeeya iyaga iyo ragga marka loo eego xaga siyaasadda.

Hadaba waxaa jirtay in todobaadkii hore Gudidda Qoondada Haweenka ee Golaha wakiillada oo Ka Kooban xubno ka tirsan ururka haweenka ee Nagaad iyo Golaha Wakiiladu ay usoo gudbiyeen aqalka wakiillada kootada haweenka ee dhinaca siyaasadda si xal loogu helo dheelitir la’aanta matalaadda siyaadda ee ragga iyo haweenka.

Balse waxaa intaasi oo dhan ka soo hor maray muran sharci oo bulshada ku abuuray shaki ah sharcinimada ama dastuurinimada kootada haweenka ee dhinaca siyaasadda. Waxaa jira sidoo kale kala aragti duwanaan sharci oo ka dhex jirta sharci-yaqaanadda dalka.

Haddaba waxaynu halkan ku iftiimin doonaa kootada macnaheeda iyo dastuurinimadeeda ama sharcinimadeeda inagoo fasiraad sharci ka bixin doona, inagoo dhanka kalena soo qaadan doona qaar ka mid ah aragtiyaha inaga duwan ee sharci-yaqaanada dalka qaar qabaan si aynu barbar dhig ugu samayno una tilmaano saxsanaantooda ama dhaliilahooda sharci.

QAYBTA 1 AAD: MACNAHA IYO FASIRAADDA DASTUURINIMADA KOOTADA HAWEENKA

1. Waa Maxay kooto?

Siin mansab ama matalaad siyaasadeed ama u garasho iyadoon lagu tartamin oo ay macnaheedu tahay in haweenka la siiyo ama loo garto kuraas ay iyagu gudahooda ama dhexdooda ku tartamaan si ay u helaan matalaad siyaasadeed

2. Kootadu Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayral Dastuuri?

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa xaqa sinnaanta muwaadiniinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, Sida uu dhigaayo qodobka 8 aad faqradiisa 1 aad iyo 2 aad ee dastuurka Jamhuuiriyadda Somaliland kaasiyoo odhaanaya sidan;
“1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.
2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran….”

Haddaba si loo fuliyo sinnaanta uu tilmaamaayo qodabkani taas oo uu waliba si cad uga dhigaayo fulinteedu in ay tahay waajib qaran. Sidaa awgeed dawladda waxaa ku waajib ah iyadoo fulinaysa waajibaadkaasi dastuuriga ah in ay la timaado tab iyo xeelad ay ku suuro gali-nayso sidii ay bulshada uga dhex abuuri lahayd sinnaan iyadoo Meeshana ka saaraysa caqabad kasta oo hor taagan amaba keeni karta in ay sinnaan la’aani ka dhex jirto bulshada.

Haddaba markaan eegno qodobkan waxaynu leenahay kootada haweenku waa dastuuri sababtoo ah waxay suuro galinaysaa in ay haweenku helaan xaqoodii sinnaanta ee matalaadda siyaasiga ahayd taasoo u suuro-galinaysa haweenka in ay helaan xaqoodii musharraxnimo sida ku cad qodobka 22 faqradiisa 2 aad ee dastuurka.

Sidoo kale waa mid suuro-galinaysa loogana dan leeyahay sidii haweenka sare loogu soo qaadi lahaa dhinaca matalaadda kuraasta aqallada sharci-dajinta iyo goleyaasha deegaanka ee qaranka, una awoodi lahaayeen in ay soo gaadhaan ragga oo ay meel ka wada bilaabaan tartanka siyaasiga ah.

Sababtoo ah maanta haweenku meel kalama tartami karaan ragga, waayo dhaqanka ayaa haweenka geeyay meel ka dambaysa ragga. Hadaba si ay haweenku tartanka siyaasadeed meel ugala bilaabaan ragga waa waajib in haweenka ragga lasoo gaadh siiyo. Taasina ma keenayso oo kaliya cadaalad balse waxay keenaysaa sinnaantii dastuurku sheegay ,sababtoo ah tartankii isku meelbaa laga soo bilaabay kii dheereeyaana guulaysanaaya. Habkanna waxa lagu gaadhayaa sinnaantii uu dastuurku sheegay ee uu walibana waajib yeelay.

Kootada haweenku hadaba waxay ka dhigantahay fulin ay dawladdu fulinayso sinnaantii dastuuku uu damaanad qaaday balse ma aha sinnaantii oo wax loo dhimaayo ama faquuqid lagu duudsiinaayo cid xaqeedii, ee runtii waa xaq-siiin. Sababtoo ah ujeeddada laga leeyahay ayey tahay in aynu fahano marka hore. kalasaaristuna ma’aha mida togan oo kaliya balse waxaa jirta mid taban oo keenaysa in laysa soo gaadho oo la sinnaado si cadaalad loo wada helo. Kootada haweenkuna waa mid taban oo lagu xaqiijinaayo sinnaanta jinsiyadeed (lab iyo dhadig) ee xagga siyaasadda si loo yareeyo faraqa u dhexeeya ragga iyo haweenka ee dhinaca matalaadda siyaasadda. Mana aha mid ragga xaq lagaga qaadaayee waa mid haweenka lagu siinaayo xaqoodii sinnaanta ee xaga matalaadda siyaasadda, sidoo kalena fududaynaysa in ay ka gudbaan caqabadihii ka hortaagnaa haweenka helitaankooda xaqaasi.

Dastuurkuna sidaynu hore u soo xusnay qodobkiisa 8 faqradiisaa 2aad wuxuu qaranka waajib kaga dhigayaa hirgalinta sinnaanta iyo cidhibtirka wax kastoo keeni kara sinnaan la’aan. Sidaa awgeed kootada haweenku waa mid ka mida waajibaadkii dastuuriga ahaa ee dawladda laga rabay si ay uu suuro galiso xaqa sinnaanta.

Hadaba kootada haweenku waa mid xaqiijinaysa in haweenka Somaliland helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee sinnaanta matalaadda siyaadda sida awgeedna waa mid dastuuri ah.

3. Ma Tahay Kootada Haweenku Mid Timid Xilligeedii?
Haa, Sababahan soo socda awgood:

1. Dimuquraadiyadda aynu muddada dheer soo galbinaynay ayay muhiim u tahay in ay bulshadu hesho matalaad loo dhan yahay. Dimiquraadiyaduna waa in ay noqoto mid loo wad adhan yahay oo layska wada dhex arki karo,
2. Haweenka Waa dadka ugu badan bulshadeena, waana waajib in ay helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee sinnaanta matalaadda siyaasadda.
3. Waxay keenaysaa in ay haweenku helaan xaqoodii dastuuriga ahayd ee musharaxnnimo taasiyoo hirgalintiisa uu qaranku mar hore il duufay, balse tani waxay u saamaxaysaa maanta in ay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda oo ay helaan matalaadoodii siyaasadeed, waxaanay qayb ka tahay fulinta qodobka 22 faqradiisa 2 ee dastuurka si ay haweenku u helaan xaqoodii in la doorto, halkay awal iyagu wax uun ka dooran jireen.
4. Waxay haweenka siinaysaa fursad labaad oo ah in muranka siyaasiga ah ee hada taagan ee saami-qaybsiga gobollada iyagana si gaar ah loogu xisaabtamo oo loo qoondeeyo saamigii ay ku yeelan lahaayeen kuraasta saami ahaan uu gobolkoodu u helo.

QAYBTA 2 AAD: DOODAHA SHARCI-YAQAANADA EE KA SOO HORJEEDA KOOTADA HAWEENKA IYO DHALLIILAHOODA SHARCI

1. Kootadu Ma Sinnaanbay Keenaysaa Mise Sinnaan La’aan?

Haddaba yaa kasoo horjeeda kootada haweenka fikir noocee ah ayayna qabaan?
Hadaba waxaa jira sharci-yaqaano qaba aragtida ah kootadu in ay kala saarayso muwaadiniinta oo ay ka dhigayso lab iyo dhadig sidaasina ay kaga soo horjeedo sinnaantii muwaadiniinta ee uu dastuurka qodobakiisa 8 aad uu damaanad qaadaayay?

Macnaha erayga sinnaan waynu ku kala aragti duwanaan karnaa ,balse waxa is-waydiin mudan marka hore ma jirtaa hadda sinnaanta uu dastuurku tilmaamaayo markaad eegto dhinaca matalaadda siyaasiga ah? Haweenku miyay ka sadbursadeen ragga metalaadda siyaasadeed wakhti xaadirkan? Hadday jawaabtu tahay haa. Haweenku ma waxay hasytaan tiro ka badan tan raggu uu hada haysto ,kootaduna ma waxay keenaysaa markaas in ay haweenku sii badsadaan kuraastii. Markaad is waydiiso ma matahay sinnaan sida ay u dhasan yihiin aqalladeenu wakhti xaadirkan?

Jawaabtu waa mid aad u cad oo aan marag ba u baahnayn markeynu eegno tiradda ay kuraas ahaan haweenku ka yihiin aqallada sharci-dajinta qaranka iyo goleyaasha deegaanka. Tiradda aqallada wakiiladu waa 82, sinnaantuna waxay ahayd in ay haweenku helaan 41, balse taa badalkeeda waxay ku leeyihiin 1 xildhabaan oo kaliya. Halka guurtida oo tirada kuraastoodu la mid tahay tan wakiillada aanay wax matalaadda ama kursi ah haba yaraatee ku lahayn. Goleyaasha deegaanka ee hada jiraana tiradooda oo ah marka lasyku wada geeyo dalka oo idil 375 ama afar boqol ku dhawaad waxay haweenku ku leeyihiin 10 xildhibaan oo qudha. Tani markaa ma sinnaantii uu dastuurku sheegaybaa? Waa maya oo sinnaantii uu dastuurku sheegay majirto .Hadaba hadii aanay jirin sinnaani oo la waayay miyaanay haboonayn markaas in la la yimaado hab kasta oo lagu gaadhi karo sinnaan sida kootada ama hab kale oo ka sii fududba? Haddii kale keen sinnaanta jiritaankeeda aan iskaba dhaafno kootadee si loo xaqiijiyo xaqa sinnaanta ee dastuurku u damaanad qaadaayo muwaadiniinta.

2. Kootadu Ma kala-Saaris Muwaadiniinta Ragg iyo Haweenloogu kala-saarayaa sida ay Qabaan Sharci-yaqaanada Qaar?

Maya ee ma kala saarayso oo hadayba jirtaa kala saaristu ( ama sinnaan la’aantu) balse waxay u saamaxaysaa wadamatalaad bulsho lab iyo dhadigba in ay helaan. Mana aha mid lagaga qaadaayo ragga xaq balse waa mid u suuro galinaysa haweenku iyana in ay helaan xaqoodii sinnaanta matalaadda siyaasadda ee ay bulshada ku lahaayeen dastuurkuna u damaanad qaaday.

Sidoo kale sharcigu ma diidana kala-saarista taban ee cidi xuquuqdeeda ku helayso balse wuxuu diidanyahay kala-saarista togan ee ay cidi xuquudeedii ku waayeyso ama lagu duudsiinaayo. Kootadu hadaba ma aha mid cid xaq ka qaadaysee waa mid cid xaq ka maqnaa lagu siinaayo. Xaqaasi oo ah xaqii siyaasiga ahaa ee uu damaanad qaaday dastuurku gaar ahaan qodobkiisa 22aad, kaasiyoo u dhigan sidan:

“Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed….Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Leeyahay in la doorto, waxna uu doorto.”

Haddaba dawladda waxaa ku waajib ah in ay fuliso waajibaadka dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, si ay taasi u fulisana waa in ay la timaado barnaamjiyo ay ku xaqiijinayso sida kootada ama habab kale oo ka fudud ama lamid ahba. Kootaduna waa mid ka mid ah hanaankii ama tubtuu lagu gaadhi lahaa sinnaanta uu dastuutku waajib yeelaayo, maadama oo anay hada haweenku haysan xaqii sinnaanta ee metalaada siyaasadda ama kuraasta. Sidoo kale ma keenayso oo kaliya kootadu in sare loo soo qaado haweenka si ay meel uga wada tartamaan ragga, balse waxay keenaysaa oo kale in ay haweenku helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee ahayd in ay isa sharaxaan lana doorto sababtoo ah ma aha xaqa siyaasiga ahi in ay codeeyaan oo kaliya , balse waa in loo codeeyo oo ay isa soo sharaxaan iyana.

Kootaduna waa xaalad ku meel gaadh ah oo looga dan leeyahay in haweenka sare loogu soo qaado si ay sinnaani u timaado oo ay meel isku mida tartanka siyaasiga ah uga wada bilaabi karaan ragga. Mana aha mid waligeed jiraysa balse haddii haweenku isku filaansho dhinaca siyaada ah gaadhaan oo ay ka midha dhaliyaan sinnaani in ay timaado waa laga maarmi doonaa, si aanay u keenin sinnaan la’aan. Sidoo kale hadii ay haweenku ku guul-darraystaan in ay haweenka matalaan oo ay ku milmaan xisbiyada siyaasadda , sidoo kale iyana meeshaa laga saari karaa marba haday ka baydheen ujeedadii ahayd in ay haweenka metalaan si ay bulshadu hesho matalaaad loo dhan yahay oo la is ka wada dhex arko.

3. Dastuurku Kootada Ma Sheegay? Se Haddii Aanu Sheegin Ma Xaraan baa oo Waa Sharci darro?

Waxaa jira sidoo kale sharci-yaqaano qaba in aanu dastuurku xusin kootada haweenka, maadaama oo aanu dastuurku sheegina ay tahay sharci darro ama xaaraan in haweenka kooto la siiyo.
Waxaynu leenahay haa, oo dastuurku wuu ka aamusay oo meelnaba haba yaraatee kumuu sheegan erayga kooto amaba in haweenka kooto lasiiyo. Balse hadii aanu dastuuku sheegin maxay noqonaysaa? Sharci mise Sharci darro?

Mabda’ ahaan wixii aanu xeerku si cad kaaga reebin ee aanu kuu diidin la imaatinkiisa ama samaytiisu sharci ahaan waa xalaal waana sharci, dadkuna in ay la yimaadaan oo ay sameeyaanna xor bay u noqonayaan markaas. Sidaa awgeed hadii uu dastuurku diidanyahay si cad buu u sheegi lahaa in ay xaraan tahay. Sharciguna mabdi’iyan kama aamuso wixii sharci darro ama xaraan ah ee si cad buu u sheegaa si ay dadku uga digtoonaadaan la imaatinkiisa.

4. Kootadu Ma Shareecada Ayay Ka soo Horjeedaa?

Markale waxaa jira Sharciyaqaano ku doodaaya in ay kootadu kasoo horjeedo shareecada, balse may sheegin nas cad oo shareeco ah (sida aayad quraan ah ama xadiis) mamnuucaya in haweenka loo garto mansab siyaasadeed oon tar-tan lahayn.

Hadii ay shareecadu ka aamustayna, waa arin inoo furan. Waayo shareecadu kamay aamusteen wax xaaraan ah, mabda’ ahaan. Tana waxay ku fadhidaa Qaacidadda diiniga ah ee tidhaahda (قاعدة ” الأصل في الأشياء الإباحة “) “aslul fil ashyaa ibaaxa” oo macnaheedu yahay sharcigu wuu xalaaleeyay ilaa wuxuu NAZ ka reebay mooyee (wuxuu nas xaarantinimeeyay mooyee!)

Guntii iyo gabo-gabadii kootadu waa sharci waana dastuuri oo waxaa keensanaysa fulinta xaqa siyaasiga ah iyo xaqa kale ee sinnaanta ah ee uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta (lab iyo dhadigba) si loo helo bulsho siman taasiyoo ugu danbayna keenaysa in la halo hanaan siyaasi ah oo bulshada wada matala oo loo dhan yahay cid kastaana iska dhex aragto.

Sidoo kale qaybaha kale ee bulshada ka mid ka ahina way heli karaan kootada haddii aanay ku lahayn cid matasha aqalada qaranka oo ay tabanayaan sinnaan la,aan. Waana xaq ay leeyihiin.

Sharci ahaanna waajibka sharci-yaqaanku waa inuu taageero u muujiyo cida doonanaysa xaq ka maqan, cidii aan doonan karayna ay iyagu u doonaan, balse ma, aha in ay kuwa doonanaaya ka hor istaagaan iyagoon u hayn xujo sharci oo cad.
KOOTADA HAWEENKU MA DASTUURIBAA MISE WAA QAYRUL DASTUURI? Qareen/Bare Sharci: Khadar Mohamed Ahmed (Carrabey) (LLB, MDS, MICHA) Email Address: khadarlc2009@gmail.com 20/07/2020 0. Hordhac Waxaa mud…

COMMENTS
Latest News