caroog.net
Ma Dhabaa In Madaxweyne Biixi Balan Qaad Gaar Ah U Sameeyay Wakhtigii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Siyaasi Cabdicasiis Samaale Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi?
September 13, 2020 - Written by caroog

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ah Siyaasiga Qudha Ee Hore U Shaaciyay Inuu U Taagan Yahay Booska Gudoomiyaha Kulmiye Oo La Sheegay Inaanu Ka Qayb Galayn Shir Weynaha Kulmiye + Sababta.

Hargeysa(Caroog.net) – Wararka isasoo taraya ee ku saabsan xaaladaha ku gadaaman shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ee la shaaciyay inuu qabsoomayo bilawga bishan fooda inagu soo haysa ayaa soo kordhaya waxaana si weyn loo hadal hayaa ku kala aragti duwanaan Xoog ah oo ka dhex jirtay siyaasiyiinta ugu tunka weyn Xisbiga taasi oo ku saabsan Qaabka Shir weynahani u qabsoomayo iyo waxa uu kaga duwanaan doono kuwii hore.

Wararka ugu culus ee diiradda lagu hayo ayaa waxa ka mid ah Kuraasta Hogaanka Xisbiga Kulmiye, in si daah furan loogu tartamayo iyo ragga u tartamaya ee hungurigu ka hayo, waxaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo uu mar kale u taagan yahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu shuruudihii wax laga badelay ee Xeerka Xisbiga Buuxiyay islamarkaana lacagtii loo qoondeeyay tartamayaasha todobaadkan Shubay.

Hadaba Wararka isasoo taraya ee ku saabsan Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegaya  in Siyaasigii keli ahaa ee hore u shaaciyay inuu u taagan yahay ama u tartamayo Booska Gudoomiyaha Kulmiye aanu ka xaadirayn Shirka, sababo la xidhiidha saluug la sheegay inuu ka qaaday hanaanka wax u socdaan.  Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay inuu hadda go’aansaday inaanu shirkaasi ka qayb galin sabab la xidhiidha qorsheyaal u dejisnaa oo ay isku ogaayeen Madaxweyne Biixi oo hadda is badelay islamarkaana uu ku wacad furay oo uu buriyay balantaasi Madaxweyne Muuse Biixi.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in Siyaasi Maxamuud Xaashi ku adkaysanayo in Madaxweyne Biixi fuliyo balanqaad la sheegay inuu isaga iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale u qaaday kaasi oo ku saabsan Mustaqbalka Hogaaminta Kulmiye. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in wakhtigii ay haysay kurbadii Doorashadii Madaxtooyadu uu balan qaad u sameeyay Labadan Siyaasi islamarkaana uu u balan qaaday Inuu Booska Gudoomiyaha Kulmiye ku wareejinayo Maxamud Xaashi Cabdi halka uu Siyaasi Samaalena u balanqaaday inuu Booska Gudoomiye Xigeenka Koowaad kuwareejiyanayo.

Dhamaan Arimahaasi ayuu Wasiir Maxamuud Xaashi u arkaa inaanay hadda suurtagal ahayn inay fulaan, waxaana uu sida la sheegay qorshaynayaa qorshayaal door ah oo uu ku doorkiisa siyaasadeed ku suulinayo islamarkaana uu ku muujinayo Cududa Taageeradda iyo fikirka Xooggan ee uu u leeyahay abla ablaynta Siyaasadda Xisbiyada Badan ku dhisan.

Waxa sidoo kale isha lagu hayaa dhaq dhaqaaqyada Siyaasadeed ee kale ee ka dhex socda Xisbiga kulmiye kuwaasi oo aan ku qanacsanayn Hanaanka Wax loo wado iyo sida ay  Hogaanka Kulmiye  ee Haddu ugu gunti xaydan yahay inaanu wax isbadel ah ka dhalan shirweynaha Kulmiye ee Bisha Tobnaad ee fooga inagu haysaa dhacayaa.

 

COMMENTS
Latest News