caroog.net
Ma Dhabaa In Madaxweyne Biixi Iyo Qoor Weynta Kulmiye Ay Ka Wada Socdaan Inay Saaxadda Hogaanka Kulmiye Dhaafiyaan Saylici, Maxayse Ku Qoonsadeen?
September 23, 2020 - Written by caroog

“Walaaca Laga Qabo Sida Ay Noqon Doonto Wada Shaqaynta Madaxweyne Biixi Iyo Saylici Shirka Kulmiye Kadib Haddiiba Saylici La Waydaariyo Hogaanka Kulmiye Iyo Kursiga Ku Xigeenka 4-Aad Ee Kulmiye”

Hargeysa(Caroog.net) – Saacad iyo il-bidhiqsi walba kan ka dambeeya, waxa cirka isku sii sharreeraya xamaasadda iyo xiisadda loollanka ka dhex alloosan Madaxweyne ku-xigeenka Somliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Saajin, kuwaasi oo ku hirdamaya booska Guddoomiye ku-xigaanka afraad ee  Xisbiga KULMIYE oo uu hadda ku fadhiyo Saylici.

Sidoo kale, iyana waxa si weyn cirka iskugu shareeray oo guuxa, galeydhka iyo guura-bahalaynta xubnaha dhinacyada kala taageersan Labadan Masuul ee isku deegaanka kasoo jeeda ee ku hirdamaya Kursigan. Waxa iyaguna jira shaqsiyaad qaarna han shidayo, kuwa kalena ficil waddo kuwaasi oo dabka kusii shidaya hirdanka iyo loolanka ay  isku keliyaysteen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo walaac culusi wehel u yahay iyo Wasiirka Ganacsiga kaasi oo si gaar ah isha loogu hayo halka uu sal dhigan doono.

Waxa si weyn loo dareemayaa dhaq dhaqaajinta Beelaha, shirar-doceedyada iyo Siyaasaddaha Af-dhuunyaaleynta ee xubnaha  kale taabacsan Saylici iyo Wasiir Saajin,kuwaas oo ujeedooyinkoodu ay kale yihiin qaar ku doodaya  in aan lagu tartamin booska Guddoomiye –ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE oo loo daayo Cabdiraxman Saylici sida hoggaanka kale ee Xisbiga iyo qaar kale oo ku doodaya in jagadaas lagu tartamayo. Ifaafalaha dhacdooyinkan ayaa muujinaya in Madaxweyne Biixi aanu ku niyad-sameyn xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE ee uu hayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici inuu mar kalena qabto, madaama oo uu yahay kursiga qudha ee lagu tartamayo shir weynaha afraad ee Xisbiga kursigaas uu hadda fadhiyo Saylici,waxaana la tuhunsan yahay in Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga ay soo dhabar taabteen wasiir Saajin,isla markaana ay isaga doonayaan inuu ku fadhiisto kursigaas guddoomiye xigeenka afraad ee Xisbiga si uu Madaxweyne ku xigeen ugu noqdo hadiiba uu teeram dambe soo noqdo Madaxweyne Biixi.

Inkasta oo dadka siyaasadda u kuur-galaa in badan ay saadaalinayeen wax la huuriyaba in loollanka iyo laacdanka KULMIYE uu mar farraha ka bixi doono, balse dadka qaar ayaa aragti taa ka duwan qabay,taas oo ah haddii ay dhacdo in uu Madaxweyne Biixi la safto garabka Saajin inay adkaanayso wada-shaqeynta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa,taas oo sababi karta inuu hakad ku yimaado hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayeen.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xullufaddisa ayaa la sheegayaa inay isla qaateen sida ay munaasib u tahay wakhtigan beddellaada Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee KULMIYE,taas oo qayb ka noqon doonta shax siyaasadeed cusub oo ay dheelayaan,waxaanay ku adkaysanayaan in lagu tartamo booskaa marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE,balse waxa jira ballan hoose iyo cid la isla sii qorsheeyey in loo doorta oo codka la siinayo,isagoo kursigaasi yahay ka keliya ee ilaa hadda la hubo in lagu tartamayo hoggaanka Xisbiga marka la gaadho shir waynaha afraad ee dhawaan la filayo inuu xisbiga ku qabsado Magaalada Hargeysa,waxaana xusid muddan in ergooyin baddan oo u tegay Madaxwenaha arrinkana kale hadlay isla markaana u soo bandhigay in aan kursigaas lagu tartamin uu ka diiday, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed  ka dhex curta Xukuumadda, wuxuu ugu afceliyey in hawshaas ay tahay mid u taala Beesha ay ka soo jeedaan Saylici iyo Saajin, balse aanu isagu wax ka qabam Karin.

Dhinaca Kale Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu u sheegay ergooyinkii ka socday Beesha Saylici ee u tagtay inuu shirkaasi cod ku leeyahay, islamarkaana uu codkiisa siinayo Ku Xigeenka Saylici marka gacanta loo taagayo.

COMMENTS
Latest News