caroog.net
Maamulka Muqdisho Oo Arin Cajiib Ah Ku Dhawaaqay “Qof Kasta Oo Geeriyooda Waxaan U Aqoonsannahay Inuu Dilay Cudurka Covid-19”.
May 1, 2020 - Written by caroog

“Bulshada Oo Aad Ula Yaabtay Hadalkan, Una Fasiratay In Tiradda Maalinlaha Ah Ee Dawladdu Muqdisho kaga soo saartaa ee Cudurka Corona Ay Tahay Mid Lacag Lagu Raadinayo.

Muqdisho (Caroog.net) – Dawladda itaalka Daran ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay hadal dhawaanahanba laga shaki qabay oo ku saabsan inay ka beensheegayso Tirooyinka badan ee ay maalin walba ku sheegayso inay ka heshay Cudurka Covid-19.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in xanuunka uu yahay mid aan la yareysan karin, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Maareeye ayaa tilmaamay in kiisaska cudurka Coronavirus maalin kasta ay isa soo tarayaan, taasina ay muujineyso halista uu cudurkani ku hayo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka qof kasta oo dhinta maanta ay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sababta ku sheegay in dadka dhimanaya maanta ay badankood  u geeriyoonayaan cudurkan saf-marka ah ee Corona.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Qandha oo dhan ay tahay Coronavirus, isagoona ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan qof-kasta oo Qandheysan.

“Wuxuu dhahayaa qofka Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow buu u dhintay dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta waxay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaana uu yahay majority -ga ugu badan.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu badan ee kiisaska Coronavirus laga helay ayaa waxaa jira dad badan oo xanuunsan, islamarkaana sheegaya inay isku arkeen astaamo u eg kuwa Covid-19-, sida qandho, qunfac, kor xanuun iyo urta oo ka maqan, kuwaas oo hadana aan tagin gooba caafimaadka, si loogu saameeyo baaritaan guud.

COMMENTS
Latest News