Macallimuu: Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga bad-baaday qaraxa (Wareysi)
February 15, 2022 - Written by caroog
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.
Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.
“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.
Waxa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.
“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.