caroog.net
“Madaxtooyadii Somaliland Waxa Ka Socda Shir Beeleedyo, Wakhti Amni Daraddii Ugu Cuslayd Ka Taagan Tahay Gobolka Sool Oo Nin Garboodkii Iyo Haldoorkii La Ugaadhsanayo”. WADDANI.
September 15, 2021 - Written by caroog

“Wasaaraddii Arimaha Guduhu Waa Fadhiid, Wasiirkeediina Waxay Uu Ku Mashquulsan Yahay Difaacidda Wasiiradda Dhigiisa Iyo Sheekadda Maqaaxiyaha”. Xog. Arimaha Gudaha WADDANI Maxamed Faarax.

Hargeysa(Caroog.net) –  Xisbiga WADDANI ayaa dhaliilihii ugu cuslaa u soo jeediyay Xukuumadda Hadda talada haysa ee Kulmiye, waxaanu ku eedeeyay inay ku mashquushay arimo kale wakhti amni daro Culusi ka taagan tahay Gobolka Sool oo la ugaadhsanayo haldoorkii iyo nin garboodkii Gobolkaasi.

Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay shaqo ka baxsan tii uu Qaranka u hayay, waxa uu sheegay in Wasaaraddii Arimaha Gudaha ee Amniga Dalka u qaabilsanayd fadhiid noqotay, islamarkaana uu Wasiir Maxamed Kaahin ku mashquulsan yahay Difaacidda Wasiiradda Dhiggiisa ah.

Waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Dilalka ku soo noq noqonaya Gobolka Sool Waxay ku tusaysaa Amni-daradda Gobolka Sool ka jirta, waxaynu la wada soconaa Lacagteena inta ugu badani nay ku baxdo Ciidamada iyo Amniga, waxa inagu soo noqnoqonaysa inta ugu badan in la ogaadhsanayo Masuuliyiinta ee Xilalka kala duwan gobolkasi uga hayay”

Waxa kale oo uu yidhi “Waxa runtii naxdin iyo anfariir inagu ah in la ugaadhsiga Haldoorkeenna iyo nin garbeedkii Gobolka Sool, wasaaradda arimaha Gudaha ee Amniga Dalkan u qaabilsan waxaanu ka rabnaa Xisbi ahaan inay war sugan nooga keento oo sax ah kasoo saarto sababaha keenay soo noq noqoshada dilkaasi, runtii waxa ayaan darro ah in wasiirkeenii arimaha gudaha ee amniga dalka u qaabilsanaa uu ku mashquulsan yahay sidii uu wasiir la mid ah uu u difaaci lahaa, iyo ka sheekaynta maqaaxiyaha”.

Sidoo  kale waxa uu yidhi “Wasaaraddii arimaha guduhu waxay  noqotay Wasaarad Fadhiid ah runtii, oo masuuliyeenteediina u bateen inay ka sheekeeyaan Hudheeladda dalka, runtii Wasiir lagaagama baahnayn inaad difaacdo Wasiir kula magacaaban oo shaqo haysta, ee waxaa lagaaga fadhiyay inaad qaranka iyo inaad masuuliyiintii kala duwan ee Marwalba la dilayo ee inagu soo noq noqonaysa inaad dabagal iyo shaqo ka qabato”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa Madaxtooyaddii Somaliland ka socda Shir beeleedyo, halkii amniga laga sugi lahaa. Mudane Madaxweyne, waxaad ogtahay ku soo gaadhaya Masuuliyiintaasi kala duwan ee lagu dilayo Gobolka Sool, wali manaan arag adiga oo qaraar kasoo saaraya, wali maanaan arag adiga oo Warbixin la wadaagaya Umadda”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Guud ahaan Shacabka Somaliland waxaanu leenahay Kulmiye Wakhtigiisii wax yar ayaa ka hadhay, farteena ayaynu ku badelaynaa, wax yeelo mooyee wax qabad dalkan uma gaysan, waxaanu shacabka ka codsanaynaa inay noo dul qataan oo ay noo samraan.

Foore

COMMENTS
Latest News