caroog.net
Madaxweyne Biixi Boorama Kaga Kaga Faanay Inuu Siilaanyo Kaga Wanaagsan yahay Dawlad Wanaag Uu Soo Dhisay Wakhti Umadda La Yaaban Tahay Fadhiidnimada Xukuumaddiisa.
September 15, 2021 - Written by caroog

“Siilaanyo Meel Ayuu Soo Gaadhsiiyay, Nabadda Ayuu Adkeeyay Oo Uu Muruqyo U Yeelay, Anna Waxaan Ku Daray In La Helo Dawlad Wanaag, Iyo In Qaranka Lawada Leeyahay”. Madaxweyne Biixi.

Boorama(Caroog.net) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Shalay Ka Qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcaddii 20-Aad Ee Jaamacada Camuud Oo Ay Ka Baxeen 995 Arda ayaa ka hadlay Tayada Dawladdiisa iyo Waxa uu kaga duwan yahay Dawladdihii ka horeeyay, waxa uu ka sheekeeyay farqiga u dhexeeya Xukuumadii u dambaysay ee uu xilka kala wareegay ee Axmed Siilaanyo hogaaminayay iyo Xukuumadiisa.

Wakti dhaliilihii ugu cuslaa loo jeedinayo Tayada Xumidda Xukuumaddiisa ayaa waxa uu sheegay Madaxweyne Biixi inuu ku dadaalay inuu Xukuumaddiisa ka dhigo mid culan, halka uu Sheegay in Madaxweynihii ka horeeyay ee Siilaanyo uu dhinaca Amniga dhidibada u adkeeyay.

Waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Mudnaanta qarankana kolba mid baa hadhaysa oo midbaa lasoo qaadanayaa markaa uu Madaxweyne Siilaanyo bilaabayey  nabaddii baa sii adkaatay, aqoontii baa korodhay muruqyo ayey yeelatay Somaliland ay cadowgeeda iskaga ilaaliso gudo iyo dibadba,  dabadeena waxaa la bilaabay horumarintii, anna waan ugu nasiib badnaa oo intaas oo dhan baan soo gaadhay halkii baan ka qabtay waxaan ku daray in la helo dawlad wanaag oo dawladda la culo haddii kale waa jabaysaa, haddaad dawladdii dhisto oo aanad duunyadii hagaajin waa mid hawl badan, qarankiina wax ka dhexeeya waa inaad ugu ilaalisaa sida ugu dhow dhow cadaaladd ilaahay uun baa gaadha laakiin inaad ku dadaasho oo dadka la baro inay qarankan wada leeyihiin oo ay wada baartaan, halkaas baynu maanta maraynaa Ilaahayna waa ina waafajiyey in badan inaynu qaadno, inta dhimana waxaan idiin sheegayaa dadkay sugaysaa waa idinka”.

Madaxweynaha ayaa Ardayda qalin-jebisay u sheegay inay yihiin Madaxdii Waddankan xilkaasina uu sugaayo “Shalay ahayd halkan bay ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Ra’iisal Wasaare ah ah baa noogu yimi Maktabadaa horteedaa nala joojiyey Saleebaan waa joogay wuxuu nagu yidhi berri baad noqonaysaan Madaxda Dalka riyey nala ahayd, maantana annagaa idinka idin leh ogaada berritaad gaadhaysaan xilkaana u diyaar garooba”.

Sidoo  kalena Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in go’aanadii lagu gaadhay Burco iyo Boorama ay ahayeen kuwo la mahadiyey oo ay maanta marag u tahay halka Somaliland adduunka iyo Geeska Africaba ka joogto “Wixii aan isku tashanay waa bilow dawladd wanaag walaaltinimo qaranka  wada ilaashada, dawladda wada ilaaliya, meel wacan bay inoo maraysaa oo Ilaahay mahadii ah, ilaahay waa innagu gargaaray go’aankii aan ku qaadanay Burco iyo Boorama maanta halkaas buu marayaa waxaana ka makhraatiya xaalada maanta adduunka ka jirta ee geeska Africa ka jirta iyo Somaliland siday tahay ayaa ka makhraatiya  iyo go’aanadii berigaa odayaasheenii qaateen iyo dadkii joogay idinkuna aad ka aqbasheen, dhalinyaradaay inuu sax ahaa oo aan mahadinay oo aynu meel wacan marayno xafladaa maanta iyo Somaliland Geeska Africa halkay ka joogto ayaa makhraati ah.

Foore

COMMENTS
Latest News