caroog.net
Madaxweyne Biixi Oo Golihiisa Xukuumadda U Kala Diray Goboladda Dalka Si Ay Ugu Ololeeyaan Musharaxiinta Kulmiye Iyo Xafiisyaddii Dawladda Oo Haawinaya.
May 26, 2021 - Written by caroog

Madaxweyne Biixi Oo Ka Walwalsan In Lagaga Itaal Roonaado Golaha Wakiiladda, Odoroska Laga Bixiyay Guuldarada Kulmiye Kala Kulmayo Wakiilada Oo Fadhiga U Diiday Iyo Xukuumaddiisa Oo Uu Olole Galiyay.

Hargeysa(Caroog.net) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn uga wal walsan in lagaga itaal roonaado Doorashada Golaha Wakiiladda ee dalka ka qabsoomaya bishan dhamaadkeeda, waxaanu Golihiisa Wasiiradda iyo wakiilo kale u kala diray Gobolada Degmooyinka dalka si ay ugu ololeeyaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wafti uu hogaaminayo ayuu Madaxweyne Biixi u diray Gobolka Awdal, waxaana uu Sheegay Saylici inuu Madaxweynuhu soo diray, isagoo sidoo kalena  sheegay in shirkii Khamiistii ee Golaha Wasiiradda la isla gartay in Dhamaan madaxda Qaranku u kala baxdo lixda Gobol doorasho, iyadoo masuul kasta loo diray reerkooda ama degmadiisa si uu ugu ololeeyo ama uu cod uga keeno beeshiisa taasi oo ka mid ah halgan uu Madaxweyne Biixi ugu jiro si uu uga hortago guuldaro kaga timaado doorashada wakiiladda oo uu aad uga walaacsan yahay in lagaga awood roonaado Xisbigiisa islamarkaana uu waajaho xaalado kale oo la xisaabtan ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo arimahaasi ka hadlay markii uu gaadhay Boorama ayaa waxa uu u sheegay  warbaahinta Qaranka sidan “Madaxwenaha Qaranka shirkii uu Shalay Gudoominayay ayaa waxa la isla gartay in dhamaan Madaxda qaranku u kala baxaan lixda Gobol Doorasho iyo degmooyinkooda, si  looga hawlgalo Doorashadaasi, si ay inoogu qabsoomi lahayd Doorasho Qiime badan oo aan xanaf lahaynin”. Waxa waftigaasi ku weheliyay dhamaan Wasiiradda Gobolkaasi kasoo jeedo sida wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin iyo masuuliyiin kale ee Xukuumada kaga jira Gobolkaasi.

Sidoo kale waxa Goboladda kale ee Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil uu Madaxweyne Biixi u kala diray masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira kuwaasi oo u hawlgali doona sidii ay guul u gaadhsiin lahaayeen Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye uga sharaxan Goboladaasi gaar ahaan Xubnaha Golaha Wakiilada, lamana garanayo halka uu itaal dhigi doono, walaw saadaal siyaasi ah oo laga sii bixiyay islamarkaana ay ka faloodeen siyaasiyiin ruug cadaa ah oo uu ka mid yahay Siyaasi Cali guray ay daaha ka rogtay in Kulmiye doorkan ku jabayo Doorashada Golaha Wakiilada taasi oo fadhiga u diiday Madaxweye Biixi, sababtayna inuu Xukuumaddiisa galiyo Olole Culus lixda cisho ee  loo qoondeeyay ololaha.

Dhinaca kale, arintan ayaa keentay in guud ahaan xafiisyada Hay’addaha Dawladdu ay haawadaan,islamarkaana ay hakad gasho hawlqabadkii iyo shaqadii ay qaranka u hayeen ee ay u xilsaarnaayeen masuuliyiinta Dawladda ee loo kala diray Goboladda dalka si ay ugu soo ololeeyaan Xisbi Xaakimka Kulmiye oo aad looga war warsan yahay in laga adkaado Kuraasta Golaha Wakiiladda doorkan islamarkaana ay sidaasi ku seegto shirgudoonka iyo hogaaminta Golaha Cusubi, oo ay gadhwadeen ka noqdaan Xisbiyada Mucaaridku.

 

Foore

COMMENTS
Latest News