caroog.net
“Madaxweyne Xilka Ka Qaad Wasiirka Caafimaadka Oo Wasaaradda U Soo Magacaw Masuul Aqoonteedii Leh”. Xildhibaano Madaxweynaha U Soo Jeediyay Codsi Culus.
July 19, 2020 - Written by caroog

“Eeda Ugu Wayn Waxaan U Jeedinaynaa Saylici, Ma 5-Milyan Ayaa Laga Waayay In Hal Mishiin Oo Kii Naqaska Ah Ama Teste Ah Burco Looga Keeno, Maya Weeyi”.

Burco(Caroog.net)  – Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmadda Burco ayaa eedii ugu cuslayd u jeediyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu xilka ka qaado, wasaaraddana u soo macaabo masuul aqoonteedii leh.

Xildhibaan Mubaarik (Bidhi) iyo Xildhibaan Rashiid Faarax Cali oo kawada tirsan Golaha Deegaanka Burco ayaa ka mid ahaa Xildhibaano Shalay weerar afka ah ku qaaday Wasiirka, kuna dhaliilay hawlqabadkiisa Wasaaradda uu Wasiirka ka yahay, gaar ahaan intii lagu guda jiray Gurmadka Xannuunka halista badan ee Covid19-ka, Waxaanay Madaxweyhnaha u soo jeediyeen inuu wax ka badel ku sameeyo Hanaanka ay wasaaraddu u shaqayso, waxa kale oo ay dhaliilo u soo jeediyeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ay ku dhaliileen hawlqabadkiisa Gudoomiyenimo ee Gudida Heer Qaran ee COVID19.

Ugu horayn Xildhibaan Bidhi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “runtii waxaanu u aragnaa imaanshiyaha Wasiirka ee uu Gobolka Togdheer yimid mid aanu daacad ka ahayn, xidhiidh badan oo uu nala sameeyay ayaa khasabtay inuu yimaado Gobolka Togdheer, inta badan waxaanu nala xidhiidhi jirnay Agaasimaha Bahda Wasaaradda Caafimaadka, oo aanu runtii ugu mahadnaqayno in badan oo aanu la hadalnay inuu noo dhagal nuglaaday”

“ Markaa waxaan leeyahay wasiirkan Caafimaadka ee imanaya, mar hore oo uu Kuududiyihii ka dhacay Gobolka oo la ogaa, oo uu muddo badan hayay, markii lagu qayliyay ayuu mar dambe yimid, Isagoon waxba ku soo kordhin Gobolka, maantana Gobolka intii uu Xannuunkani aduunka oo dhan aafeeyay oo ku dhacay Gobolkan Togdheer mar keli ah muu iman wax muuqdana kamuu qaban”.

“Waxaanu u aragnaa in lagula qaldamay Wasaaradda, waayo qofka meel uu aqoon ahaan wax ka tarayo ayaa loo diraa,  Ninkani Macalin jaamacadeed ayuu ahaa sida la ii sheegay, Caafimaadkana waxba kama yaqaano, Wasiirka Caafimaadku Gobolkan Togdheer wuu hagraday, Imakana safarkiisan waxaanu eegayaan bal waxa uu la yimaado, laakiin waxaanu ognahay inaanu safarkiisani ahayn mid u wax ku soo kordhinayo Gobolka, markaa Madaxweynaha uunbaanu waydiisanaynaa oo aanu  leenahay maadaama oo uu isagu shaqadan u igmaday, waxaanu leenahay Madaxweyne Wasiir Caafimaad oo Shaqadeedii leh dalka u magacaw”.

Xildhibaan Rashiid Faarax Cali ayaa isaguna weerar ku qaaday Madaxweyne xigeenka Somaliland Saylici islamarkaana dhaliilo ujeediyay ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland maanta waa Gudoomiyaha Gudida ka hortagga xanuunka COVID-19, Burco Diwaangalin hore ayaanu uga dirnay, Maantana Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Gudoomiye u yahay Gudida ka hortaggga COVID-19, nabarka ugu wayn waxaan maanta u qorayaa Saylici, ma 5-Milyan ayaa laga waayay in hal Mishiin oo kii naqaska ah Burco looga keeno ama teste ah, maya weeyi”.

COMMENTS
Latest News