caroog.net
Madhabaa In Ku Xigeenkii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Cabdinaasir Qodax Iyo Xisbiga Kulmiye Uu Wada Hadal Hoose U Furmay?
June 27, 2021 - Written by caroog

“Hanka Xildhibaan Cabdinaasir Qodax Ee Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Wakiiladu Waxa Uu Furfur Ku Keenayaa Midawgii Xisbiyada Mucaaridka.

Hargeysa(Caroog)  – Ku Xigeenkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ku guulaystay Kuraasta Golaha Wakiiladda Gobolka Maroodi-Jeex ee kasoo baxay Xisbiga UCID ayaa wararku ay sheegayaan inuu wadahadal hoose la bilawday Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa.

Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hore u iclaamiyay inuu tartan ugu jiro Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee Cusub ayaa ku hungoobay Midawgii Xisbiyada Mucaaridka kadib markii ay ka reebeen tartankaasi islamarkaana ay u xusheen xubno kale, waxaana la sheegayaa innuu Xildhibaan Cabdinaasir Qodax hankiisii ula guurayo Dhinaca Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMLIYE halkaasi oo uu soo dhawayn iyo gacan haadin uu ka helay, islamarkaana uu wadahadal hoose u socdo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo wata ama hogaaminaya Xildhibaano illaa todoba xubnood ku dhaw oo xisbigiisa ka tirsani, kana tirsan Taageerayaashiisa, ay wadahadal hoose la furteen Xisbiga Kulmiye halkaasi oo uu gorgortan kula galayo in lasiiyo Kursiga Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay wararkani sheegayaan in wadahadalkaasi u dhaw yihiin inuu guul ku dhamaado islamarkaana, waxay wararku sheegayaan inuu soo dhawayn xoogleh uu ka helay dhinaca Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadeedaba.

Majiro wali war rasmi ah oo dhinaca Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdinaasir Qodax kasoo baxay oo arintani ku saabsan balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay jiritaan warkan.

Dhinaca kale Isku day aanu samaynay inaanu arintan wax ka waydiino Cabdinaasir Yuusuf Qodax ayaanay noo suurtagalin kadib markii uu naga qaban waayay telefankiisa gacanta oo aanu dhawr jeer garaacnay.

COMMENTS
Latest News