caroog.net
Mahad Salaad oo shaaciyey XOG ku saabsan kiiska Ikraan
July 22, 2021 - Written by caroog

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay, loona heysto NISA.

Mahad Salaad oo xog ku aadan arrintan ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday ‘in la dilay Ikraan’, isla-markaana khaarijinteeda ay qorsheeyeen saddexda mas’uul ee ugu sarreysa hay’adda nabad sugida, sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘in shirqoolka loo maleegay Ikraan lagu bixiyey boqolaal kun oo Dollar iyi ballan-qaadyo’, si ugu dambeyn dib loogu soo celiyo dalka, waxaana kadib uu sheegay in marka ay timid Muqdisho la xadiday dhamaan dhaq-dhaqaaqeeda.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!,” ayaa warbixintan ku yiri xildhibaanku.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!,”.

COMMENTS
Latest News