caroog.net
Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweynaha Taiwan iyo wafdiga ka socda Somaliland?
February 15, 2022 - Written by caroog

Taipei (Caasimada Online) – Taiwan iyo Somaliland ayaa ballaarinaya xiriirkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inkasta oo ay yihiin labada dowladood ee ugu go’doon diblomaasiyadeedka badan caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqashadiisa Taipei “ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaarineyno kuna dheereyneyo saaxiibtinimadeena, iskaashigeena oo aan ku gaarsiineyso heer sare oo faa’iido u wada leh labadeena dal.”

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee maamulkeeda.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah la laheyn dal kale.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xiriiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

COMMENTS
Latest News