caroog.net
“Maxamuud Xaashoow Aayadaha Quraankeed soo dalliishatay” Siyaasi Buuni
October 16, 2020 - Written by caroog

Hargeysa-(caroog.net)-Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa.

Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin .

 

“Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay , Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay , aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso  ” ayuu yidhi

 

COMMENTS
Latest News