“Muuse Wuu Qaldamee Noociisii Maaha,Wiilkan Yar Ee Halkan Ka Hadlayay Ee Wasaaradda Waxbarashada Loo Magacaabay” Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Faysal Cali Waraabe.
October 2, 2021 - Written by caroog
“Faysal Cali Waraabe Oo Aad Ula Yaabay Khudbad Cajiib Ah Oo Uu Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Waxbarashadu U Jeediyay Arday Shalay Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Alpha Hargeysa.
Hargeysa (Caroog.net)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa waxa uu si adag uga hadlay tayo xumada xubnaha uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u doorto hogaaminta xukuumaddiisa tan iyo markii uu xilka qaranka la wareegay dabayaaqadii sannadkii 2017 isaga oo Guddoomiyaha UCID ku tilmaamay in uu urursado sida uu hadalka u dhigay dad aan ku habboonayn xilalka loo magacaabay oo tayo xun.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka qayb galayay xafladda qalin-jabinta Jaamacadda Alpha, faraceeda caasimadda Hargeysa oo shalay xaflad ballaadhan loo qabtay arday ka qalin jabinaysay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaasi ayaa tayo xumo xukuumadeed iyo xulasho xumo ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay masuul mar walba soo qaata ama magacaaba xubno tayadoodu aanay wanaagsanayn taasina ku keentay in uu noqdo madaxweynihii ugu liidatay dhinaca xulashada xubnaha uu u doortay xukuumaddiisa ugu dambaynna taasi saamayn weyn ku yeelatay wax-qabadkii laga sugayay oo meesha ka maqan muddoda uu joogayna aanay xukuumaddiisu wax la taabto qaranka u qaban.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo daba socday hadal uu madasha ka soo jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Cabdixakiin Siciid Bustaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii uu dhawaan magacaaba Madaxweynuhu, kaasi oo Guddoomiyaha UCID hadalkiisa ku ammaanay sida uu uga hadlay xaaladda Ardayda, waxbarashada iyo masuuliyadda ka saaran.
“Wiilkan yar ee halkan ka hadlayay ee la ii sheegay in Wasaaradda Waxbarashada loo magacaabay waa inan yar oo qalbi wanaagsan. Muuse wuu qaldamee noociisii maaha. Waa nooc ka soo qaldamay sida uu ula shaqaynayona garan maayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo daba socday hadalka wasiir xigeenku ka jeediyey madasha xafladda qalin jabinta Jaamacadda Alpha. Waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata: “Golihiisa wasiirrada iyo dadka uu magaacaabaana waa dad liita oo waajibaadkooda shaqo iyo waxba aan garanayn”.
Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa muddoba waxa uu dhaliilo culus u soo jeediyaa tamarta iyo waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyo in ay tahay xukuumad tayo xun oo aan wax muuqda oo la taaban karo dalka ka qaban isaga oo shacabka ugu baaqa in aan mar dambe xisbiga KULMIYE dib loo dooran.