caroog.net
Odoros Ku Saabsan Qaabka Ay Beelaha Somaliland Ee Degan Gobolka Maroodi Jeex Ugu Kala Abaabulan Yihiin Tartanka Loogu Jiro Kuraasta Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi Jeex.
May 26, 2021 - Written by caroog

“Ciidagale Doorkan Waxa Uu Soo Saarayaa In Kabadan Intii Uu Uu Soo Saaray Doorkii Hore, Sacad Muuse-Na.. Arab Uma Abaabulna Sidii Doorkii Hore….” Siyaasi Nuuradiin Diini.

Hargeysa(Caroog.net) – Waxaanu halkan idiinku soo gudbinayaa odoros laga sameeyay qaabka iyo hanaanka ay ugu kala horeeyeen xagga abaabulka iyo u diyaarsanaanta Beelaha degan Gobolka Maroodi Jeex ee kuraasta Golaha Wakiiladda.

Siyaasi Nuuradiin Diini oo ka mid ah Siyaasiyiinta da’da yar ee aadka wax uga qora Dhinaca Odoroska siyaasadda ayaa qoraal kuu bartiisa facbookga soo dhigay waxa uu si cajiib ah ugaga hadlay abaabulka doorkan ka muuqda Murashaxiinta u tartamaya Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi Jeex iyo sida ay ugu kala horeeyaan dhinaca saadaasha Guusha gaar ahaan taageerayaashooda, waxaanu qoraalkiisa u dhigay sidan “Ciidagale doorkan waxa uu soo saarayaa goolaha wakiilada in ka badan labadii kursi ee 2005kii shaki la’aan 4Kursi waan hubaa haddii aanu soo sarinba 5Kursi, Goolaha deegaankana 4tii kursi ee 2012kii in uu ka badsado mooyee ka yaraysan maayo sababta oo ah Abaabul koodu aad buu u sareeya”.

Gobolka Maroodi jeex oo ah kan ugu kuraasta badan Gole deegaan iyo mid baarlamaanba waxa helaaya kuraasta ugu badan Sacad Muuse sababta oo ah waxa ay leeyihiin codka ugu badan, dhul ahaana ugu kooban uguna urursan.

 Isaxaaqu goolaha wakiilada doorkan waxa ay helayaan Laba kursi halka ay 2005kii ka heleen 1kursi. Se waxa ay ila tahay in aanay helayn golaha deegaanka 6dii kursi ee ay heleen 2012kii maadama oo tirada kuraastu deegaanku ka yartahay intii hore, jaaniska xisbiyaduna ka yaryahay kii 2012kii.

Arabku doorkan ma abaabulna sidii xiligii urur siyaasadeedkii Xaqsoor waxaanad moodaa in aanay si xooga isu diyaarin sidii lagu yaqaanay marka aynu qiimayno sidii loo galay diwaan galinta, sidaasi oo ay tahay doorkan wey ka yaraysanayaan Gole deegaan iyo mid baarlabaanba intii ay hore u heli jireen.

Habarjeclo doorkan waxba ka heli mayso Gobolka Maroodi jeex, xataa kii deegaanka ee 2012kii, waxaanay noqon doontaa markii ugu dambaysay ee ay iska soo sharaxaan Maroodi jeex. Waayo hal degmo doorasho kuma laha.

Habar yoonis doorkan baarlamanka ma helayso codkii cududa weynaa ee Khadar Ambasador iyo intii ay heleen waxaana su’aala mid deegaan iyo mid baarlamaan ma heli doonaan.

Ciise Muuse waxa ay u ooman yihiin in ay mar uun helaan kursi baarlamaan oo Maroodi jeex ah 2005tii afarx xildhibaan oo ay soo sharaxeen wey isla dhaceen, iyaga oo helay 10154cod, doorkana waxa ay soo sharaxeen 1xildhibaan oo baarlamaan waana fursadii ugu mihiimsanayd ee ay heleen se ma diyaarsana oo waxa muuqata in ay ceebi ka raaci doonto iyaga oo xataa haysta codka degmada Laasgeel oo ku dhaw 4kun oo cod, deegaankana waxa laysku hayaa koodii hore uun ma difaacan doonaan, xili kasta oo doorasho C. Muuse waxa uu u hayaamaa Saaxil waana caqab hortaala waligood.

Toljecle iyo Ayuub iyagu waa duco yeelkii oo waxoodu waa banaanka.

Kursiga Beelaha Gabooye Barkhad Jaamac Batuun waa jare horyaala reer maroodi keex siiba reer Waddani.

COMMENTS
Latest News