caroog.net
Qisadda Ku Duugan Macmiil Tuuray Kaadhkii Shirkadda Somtel, Amaanna U Soo Jeediyay Shirkadda Telesom “Waan tuuray Kaadhkii Somtel kadib Markii ..”.
July 5, 2021 - Written by caroog

“Waxaan Xaqiiqsaday “Halhaystii Ahayd Telesom Dadka Wada Leh”, Waxaan Qirayaaa Inay Telesom Tahay Shirkada Ugu Adeega Fiican Somaliland, Somtelna ..”. Aadan Yousuf Faarax.

Magacaygu wa Aadan Yousuf Faarax   waxan idinla wadagayaa dhacdo yar oo igaga dhacday labada shirkadood ee telesom iyo somtel.

Waxaan maalinimadii Arbacadii aniga iyo wiil aanu saaxiibo nahay oo shaqo tag ahaa aanu u tagnay shirkadda Somtel gaar ahaan headquarterka Hargeysa,  dadabdeed waxanu la kulanay qaybo ka mid ah shirkadda markaanu usheegnay ujeedkaanu usoconay oo ahayd inaan shaqo ubaahanahay haday shirkadda ka banaantahay ayay waxay noogu jawaabeen shirkadda ciddii reerka ka mid ah ayaa laga shaqalaysiiyaa uun!!.

Waan la yaabnay run ahaantii shirkad dhan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka raadinaysa ((costumer)) inay sidaa u hadlaaan ka dib waan iskaga soo baxnay waxaanu nimid shirkadda Telesom headquarter keeda oo biriishka wayn ee Hargeysa  udhow ka bacdi waa lana soo dhaweeyay arinkii aanu usoconay oo ahaa inaanu shaqo doonayno ayaanu la wadaagnay ka dib way na aqbaleen(( form)) loogu talo galay dadka shaqo doonka ayay noo dhiibeen markaanu buuxinay ayay noo sheegeen in ay nala soo hadli doonaan haday shaqo banaannaato.

Hadaba labada shirkadood siday u kala qabilaad wanaagsan yihiin ayay u kla macamiil ((costumer)) badan yihiin.

”Halhaystii ahayd telesom dadka wada leh” ayaan xaqiiqsaday. Waxaan qirayaaa inay telesom tahay shirkada ugu adeeega fiican somaliland.

So Jeedin ((Somtel))

Waxan kula talin lahaa shirkadda somtel inay macamiisha sifiican ula dhaqanto wixii fursado shaqo ee jirana aanay isku koobin ((reer ahaane)) ay dadka macamiisha u ah iyo dadka kala la wadaagto.

Anigu card ka somtel wan isticmaali jiray iyo internet ka ba laakiin maalintii Arbacadii baan iska dhigay card ka somtel, Markaa si aanay dadku uwada dhigin kaadhka, fursadaha ka qayb galiya dadwaynaha …mahdsanid

COMMENTS
Latest News