caroog.net
Shaqaalaha Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa Oo Qarka U Saaran Inay Qaadaan Cudurka Corona-Virus Iyo Qalabkii La Iskaga Difaacayay Oo Gabi Ahaanba Ay Ka Aradan Yihiin.
September 23, 2020 - Written by caroog

“Walaahi Illaa Masuuliyiinta Sare Waanu Waydiisanay Oo Wixii Caawimo Ahaa Ee La Keenay Waxba Lanagama Soo Gaadhsiin, Mana Haysano Shay Aanu Afka Iyo Gacmaha Ku Xidhano” Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa.

Hargeysa(Caroog) – Iyadoo si weyn loo hadal hayo in Cudurkii Corona-Virus wali dalka ku sii fidiyo oo uu ka jiro ayaa waxaanu booqanay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa gaar ahaan qaybaha bukaanka  marka uu soo dhaco lagu qaabilo ama lagula tacaalo.

Waxay gabi ahaanba halis ugu jiraan  Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ka hawlgalaa inay si dhib yar u qaadaan Cudurkan, islamarkaana waxay u nugul yihiin halista Cudurkani. Waxay gabi ahaanba ka faro madhan yihiin qalabka afgashiga “Maskaro” iyo gacmo gashiga “Gloves” taasi oo ay sheegeen inaanay waxba ka arag qalabkaasi islamarkaana ay hadal uun ku maqleen qalabkii badnaa ee difaaca Cudurkani ee deeqaha loogu keenay Dawladda balse aan waxba laga soo gaadhsiin Shaqaalaha Cisbitaalka iyo dhakhaatiirta ka hawlgasha oo hanaan halis badan Bukaanka ugu adeegaya illaa hadda.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Cisbitaalka oo magacooda aanu u  qarinay arimo u gaar ah, ayaanu wax ka weydiinay waxa ay u xidhan waayeen qalabka afka iyo gacmaha lagu xidho ee lagaga hortaggo fiditaanka Cudurkan halista badan, waxaanay noo sheegeen inaanay haysaninba qalabkaasi islamarkaana aan illa hadda waxba laga soo gaadhsiin. Waxa kale oo ay noo sheegeen inay  cabsi badan ku jiraan islamarkaana ay ka fursan wayday uun inay dadkooda u adeeggaan balse ay dayacnaan badani iyo arimo badani ka jiraan dhinaca masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Caafimaadka oo aan xilba iska saarin inay qalabkaasi soo gaadhsiiyaan Shaqaalaha.

Mid ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala Qaybta Gargaarka deg degga ah ee marka ugu horaysa Bukaanka lagu baadho ee Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa ayaa yidhi sidan “Walaahi waanagaa ka faro badan qalabkaasi, xiitaa midh qudhihi ma taalo farmasiyada Cisbitaalka, qalabkii la inagu caawiyay dhagaha uunbaanu ka maqalnay, xabad qudhihi nagamay soo gaadhin, xitaa masuuliyiinta sare ee Wasaaradda dhawr jeer ayaanu xaalkayaga u gudbinay, inaanaan sidan ku shaqayn Karin, wax dhag ah jalaq noomaysiin, waxaanu soo jeedinaynaa in Madaxda sare Dhakhtarka timaado oo xaalku siduu yahay eegto, halis Cafimaad ayaanu ku suganahay”.

Sikastaba ha noqotee, waxa dhawr jeer oo hore la shaaciyay in Qalabkii Coronaha ee dawladda lagu caawiyay gabi ahaanba la musuq maasuqay oo la iibiyay, balse illa hadda majiro baadhitaan dhab ah oo qalabkaasi lagaga daba tagay oo lagu baadhay. Waxa sidoo kale aan wali ku dhiiran hanti dhawrka qaranka oo aan illaa hadda wax baadhis ah ku samayn wasaaradda Caafimaadka  iyo gudidii Coronaha oo tuhunno musuq maasuqo oo xooglihi dul hoganayeen tan iyo markii uu dalka ka dilaacay Cudurka Corona iyo mucaawinooyinkii lacagta iyo qalabka iskugu jiray halka ay ku dambeeyeen.

COMMENTS
Latest News