Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Ugu Caansan Soomaaliya Ayaa Si Weyn Ugu Dhaliilay Xukuumaddda Madaxweyne Biixi Talaabada Ay Dadka Kaga Masdaafurisay Laascaanood.
October 4, 2021 - Written by caroog
“In Dad Soomaali Ah Barakicin Wadareed Loogu Beegsado Heyb Iyo Deegaan Ay Ka Soo Jeedaan Awgeed Waa Foolxumo Ka Dhan Ah Dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka” Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur.
Muqdisho (Caroog) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caan san Soomaaliya islamarkaana qunyar socodka ah ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku dhaliilay talaabada ay kaga masdaafurisay dadkii shacabka ahaa ee Soomaaliya u dhashay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi shakur ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid ka baxsan bini-aadanimada iyo walaaltinimada Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay inay xaaraan tahay in dad gaar ah haybtooda lagu beegsado islamarkaana waxa uu u ku sifeeyay talaabadani foolxumo iyo waxaaan waafaqsanayn diinta Islaamka iyo wada dhalashada isirka Soomaalinimo.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebookga ee uu kala xidhiidho bulshada waxaana ka mid ahaa qoraalkaasi “In dad Soomaali ah barakicin wadareed loogu beegsado heyb iyo deegaan ay ka soo jeedaan awgeed waa foolxumo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka. Mana ah wax uu ruux Soomaali ah ka filan karo walaalkii kale oo Soomaali ah.
Waxa uu ugu baaqay Xukuumadd talada haysa ee Madaxweyne Biixi gadhwadeenka ka yahay sidan “Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay dib uga fiirsadaan go’aankaas, degdegna loo joojiyo arrinkaas”.