caroog.net
Siyaasi Ramaax Oo Ku Hanjabay Inuu Kala Jabinayo Xisbiga UCID “Anigu Dhinac Ayaan Wataa, Waxaanna Lagu Kala Baxinayaa Nin Waliba Inta Xildhibaan Ee Uu Haysto, Waa Kuwaa Guruubkayagii”.
June 27, 2021 - Written by caroog

“War Jiraaba Cagaare Ayuu Iman Doonaa, Nin Cidlo Fadhiya Oo Waxbaan Cid Kasaarayaa Lihi Isaga Ayay Qiimo Daro Ku Tahay, Xiligeeda Ayaanay Iman Doontaa”.

Hargeysa(Caroog) – Xoghayihii Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu Xisbiga UCID ku sameeyay, Waxaana uu sheegay inaanay warkaasi waxba ka jirin isagoo ku hanjabay inuu Garab dhan oo Xisbiga ah oo uu hogaaminayo uu haysto isagoo sheegay inaanu yeelayn in ray’yigiisa lagu cabudhiyo.

Siyaasi Ramaax ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu Shalay siiyay Telefishan Caalamiga ah ee MMTV, Waxaana ka mid  ahaa hadaladiisii “Xisbiga mabda’ ayaa lagu galaa, mabda’una maaha in koox gaar ahi tidhaahdo ra’yigaaga ma cabiri kartid, ama kooxdiinaasi ra’yigooda ma cabiri karaan, markaa waanigii Shalayba kasii afeef dhigtay, aniga wax Allaale waxay ii samaynaysaa, wax macno leh oo ay ii samaynaysaa ma jirto, oo waa kuwaa Guruubkayagii oo waadigaa arkayaba, oo indhahaaga ayaa kuu shan ah,  oo aanu wada fadhino oo aanu hadana shir kasoo baxnay, kana tashanayno wixii aan shalayto ka hadlayay ee aananu ku waafaqsanayn, war jiraaba Cagaare ayuu iman, ninka wax laga saarayo iyo ninka bahalkii ihiba, nin cidlo fadhiya oo waxbaa cid kasaarayaa lihi isaga ayay qiimo daro ku tahay, Xiligeeda ayaanay iman doontaa”.

Waxa kale oo uu yidhi “Fasaxa Munaasibada 26-June markuu ina dhaafo ayaanu si fiican uga hadli doonaa, aniga iyo kooxdayaduba, laakiin waan jiraa, waananu joognaa, mabdayaguna anaga wuu cad yahay, meel baananu taaganahay, nin waliba waxa uu la yimaado ayuunbuu wax ku eryi ama wax ku noqon doonaa, waa la iskugu iman doonaa fagaaraha ”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waxaa lagu kala adkaanayaa nin waliba inta xildhibaan ee uu haysto weeyi, Garabkii aan shalay “doraad” ku dhawaaqay waa kuwaa, amigoo Ramaax ayaa hadlaya, dhinaca ayaan wataa, dhinacaygiina waa halkiisii, markaa meel ayay taagan tahay, markaa wax kasta oo ay soo saaraan wax iga khuseeyaa majiro”.

COMMENTS
Latest News