caroog.net
Soomaaliya: Haween Hubka U Qaatay Sidii Ay Iskaga Caabiyi Lahaayeen Waxay Ugu Yeedheen Xasuuq Ay Ku Hayaan Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Kenya Oo Xuduuda Labada Dal Kasoo Talaabay.
September 30, 2020 - Written by caroog

Haweenka Ku Dhaqan Deegaamo Hoos Yimaada Gobolka Gedo Ee Soomaaliya Ayaa Soo Bandhigay Hub Iyo Cudud Ay Iskugu Diyaariyeen Inay Dagaal Kala Hortagaan Ciidamada Kenya.

Gedo(Caroog.net) – Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxa Shalay ka dhacay bannaan baxyo looga soo horjeedo falal ay ciidamada Kenya ku leynayaan dadka reer miyiga ah ee kunool qeybo kamid ah gobolka Gedo ee Soomaaliya, gaar ahaan degmada Ceel-Waaq.

Dad ka cadhaysan xadgudubka Kenya ka wado gobolka Gedo ayaa Shalay banaan bax balaadhan ka dhigay degmada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ee Soomaaliya, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah Ciidmada Kenya.

Haween ka qeyb qaadanayay banaan baxa ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa soo qaatay qoryaha AK-47, Mindiyo iyo Masaro , waxa ayna sheegeen in diyaar u yihiin in ay isaga difaacaan ciidamada Kenya ee sida gardarada ah shacabka u leynaya.

Banaan baxayaasha ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay cadho xoogan oo ka dhalatay falalka ciidamada Kenya ku leynayaan dadka shacabka ah ee kunool deegaano dhaca degmada Ceel Waaq.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali qaadin talaabooyin ka dhan ah ciidamada Kenya ee dadka shacabka ah ku leynaya gobolka Gedo, mana jiro wali Xukuumada Soomaaliya war rasmi ah ay kasoo saartay xadgudubka Kenya ku hayso Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Deegaanka Ceel Waaq ee Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News