caroog.net
Suldaankii Xukuumaddu Kala Wareegtay Hargeysa Club Oo Soo Hanjabay “HARGEYSA Ayaan Imanayaa, Arintaa Raali Kama Ehi, Degreeto Madaxweyne Ayaa La Igaga Wareejistay Huteelkii”.”.
May 6, 2020 - Written by caroog

“Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, waxa dhacayna waa  la wada ogyahay,Waxaan Rabaa Inaan U Soo Gacan Baxo ……”Suldaan Siciid oo waraysi khaas ah siiyay Foore.

Hargeysa(Caroog.net) – Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland islamarkaana ah Masuulkii gacanta ku hayay Huteelka Hargeysa Club ee ay Xukuumaddu kala wareegtay, ayaa sheegay inuu si adag uga falcelinayo Arintaasi islamarkaana aan sifo sharci ah loola iman ee uu maqlay uun in Degreeto Madaxweyne lagula wareegay Huteelkiisii.

Wargeysa Foore oo Khadka Telefanka Kula Xidhiidhay Suldaanka, islamarkaana arintan wax ka waydiiyay ayaa ku jawaabay “Arintaas Raali kama ehi,Haddii aan raali ka ahay Degreeto Madaxweyne kuma soo baxdeen, wakhti dhaw inaan faah faahin iyo war weyn ka bixiyo ayaan rabaa, maanta Hawlo kale ayaan kujiraa oo nabadayn ah, waxaan rabaa inaan u soo gacan baxo oo aan si adag bayaan uga soo saaro, Hargeysa ayaan imanayaa oo aan warbixin Faah faahsan Warbaahinta ku siinayaa laakiin hadda wax baddan odhan maayo”.

Waxa kale oo uu yidhi “Anigu waan fogahay hadda, Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, arintaasna waan ogahay oo waata dhacday, markaa inaan hadda wax badan ka waramo ma jecli, waxaan  doonayaa inaan ka aamuso, wakhtigeeda Hadii Alle yidhaah ayaan ka hadlayaa”.

Suldaan Siciid ayaa 2005-tii waxa uu Mashruuc heshiis kula galay Huteelka Hargeysa Club Xukuumaddii Wakhtigaasi ee Daahir Riyaale Muddo lagu sheegay 20-Sanno, taasi oo aanu wax maalgashi ah oo muuqda ku samayn marka laga reebo dhismayaal Qabyo ah oo uu Wajahadda hore ee Huteelkaasi Ganacsade kale kusii wareejiyay.

Doraad ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland baahisay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Madaxweynaha Somaliland kaasi lagu laalay heshiiskaasi islamarkaana Huteelkaasi Hargeysa Club dib loogu celiyay gacanta Xukuumadda.

COMMENTS
Latest News