caroog.net
Taliye Odowaa oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii isaga lagu weeraray (Sawirro)
July 16, 2020 - Written by caroog

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed  Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Dhawaan kolonyada uu la socday Lagula Eegtay Agagaarka Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan

Janaraal Odowaa Yuusuf Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale ayaa booqasho ugu tagay shacabkii ay   ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee al-shabaab kula beegsadeen taliyaha agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya Isbtitaalka xoogga iyo isgooyska Taranbuunka.

Isbitaalada uu booqday taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Madiino iyo Somali Sudanes oo lagu dabiibayo shacabkii ay dhibaateeyeen nabad diidka arxanka darran,  isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Alshabaab ayaa weerar fashilmay waxey 13-kii bishaan ku qaadeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage, Waxaa ka badbaaday weerarkan taliyaha balse waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladisa iyo dad shacab ah halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

    

COMMENTS
Latest News