caroog.net
Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Oo Kulan Qarsoodi Ah Adisababa Kula Yeeshay Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Soomaaliya Maareeye Iyo Ujeedada Kulankooda
July 29, 2020 - Written by caroog

Addis Ababa (Caroog.net)-  Waxaa Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya muddo dhawayd ku sugnaa wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, kaasoo ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in ay la xidhiidho, sida lagu baahiyay warbaahinta online-ka ah ee Magaalada Muqdisho, dhammaystirka heshiis bishii June Addis Ababa ku dhex maray Wasiirka warfaafinta xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Heshiiskaasi oo ku saabsan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa, islamarkaana loo abuurrí lahaa jawi sahlaya xidhiidh wanaagsan iyo isdhexgalka oo isku soo dhoweeya suxufiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa xukuumadda Dawladda Faderaalka u saxeexay Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” halka Somaliland uu u saxiixay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Sida ay shalay baahisay shabakadda Caasimadda oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliya oo aannu warkan ka soo xiganaynaa, heshiiskaasi qodobadiisu waxa ay dhigayaan in si siman loo qeybsado dhaqaalaha beesha caalamka ay ku taageerto guud ahaan warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta.

Xubno ka socday beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa goob-joog ka ahaa heshiiskaasi dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta xukuumaddii dhacday Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaase ka baaqday ka qeybgalka wajiga labaad ee dhameystirka heshiiskaasi oo xilligan wasaaradda  warfaafinta Somaliland diyaar u ahayd kadib markii ay dhacday Dawladdii uu ka tirsanaa ee Khayre.

Masuuliyiinta Wasaaradda oo aanu isku daynay in aannu wax ka waydiinno warkan ay baahiyeen warbaahinta Soomaaliya ayaanay noo suurto galin in aannu khadka taleefanka ku helno.

 

COMMENTS
Latest News