Xaaladda Nolosha Maxaabiista Xabsiga Magaalada Berbera Oo Aad Looga Dayrinayo Iyo Wakhtiga Xagaaga Oo La Sheegay Inay Dadka Lagu Xidhaa Ku Solmaan.
October 7, 2021 - Written by caroog
“Malaha Marawaxad, Qaboojiye Iyo Daaqado Waaweyn Xilliyada Xagaaga,.. 11-28-2016-kii Waxa Isku Daldalay 2 Maxbuus, Qaar Kalena Xaalad Caafimaad Oo Hallis Ah Ayay Galaan..”Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani
Berbera(Caroog.net) -Xisbiga WADDANI ayaa ka dayriyay xaaladda bini-aadanimo ee Xabsiga Magaalada Berbera, waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen wakhtiga kulaylaha oo Maxaabiistu naf qabataw iyo jidh solon kala kulmaan, waxaanay soo jeediyeen in arintaasi deg deg wax looga qabto.
Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga waxa uu kaga dayriyay xaaladda Bini-aadanimo ee Xabsiga Berbera oo uu sheegay inuu ka mid yahay xabsiyadda ugu nolosha adag islamarkaana ugu cidhiidhisan Xabsiyada dalka, isagoo sheegay in qololku duug yihiin islamarkaana maxaabiis ka tiro badan lagu xidho, sidoo kale waxa uu sheegay in Berbera oo xeeb ku taala oo kulayl ah inay maxaabiistu kala kulanto ciqaab culus oo cadaab ah.
Waxa qoraalka Xoghaye Dhamme ka mid ahaa “Xabsiga Berbera wuxuu ka kooban yahay 12 qol oo cidhiidhi ah, waxa lagu xidhaa qol kasta 30 maxbuus, waa dhisme dhagaxa oo qadiimiya waxaana dhisay gumaystii ingiriiska, malaha marawaxad, qaboojiye iyo daaqado waaweyn xilliyada xagaaga maxaabiista waxa ka baxa dubka iyo diirka, kulaylka ka dhaca ma malayn karro, Xaaladda nololeed awgeed waxa naftooda ku waayay maxaabiis badan”.
Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sii yidhi “11-28-2016 waxa isku daldalay 2 maxbuus, qaar kalena xaalad caafimaad oo hallis ah ayay galaan. maanta waxa ku jira maxaabiis la ildaran qaash iyo nabarro kulaylku kasoo saaray oo naf ka dhawrida ah, waajib waxa ku ah Wasaaradda Caddaalada iyo maamulka gobolka in aan Xabsiga Berbera aadame ku noolaan karin cimilo ahaan xal laga gaadho.