caroog.net
Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Ee WADDANI Iyo UCID Oo Samaystay Isbahaysi Ay Kula Wareegayaan Shirgudoonka Wakiilada Iyo Maayarada Caasimaha Dalka.
June 13, 2021 - Written by caroog

“Is-Bahaysigani Waa Go’aan Iyo Qaraar Ay Wada Gaadheen Labada Xisbi Qaran Oo Waxtar U Leh Wada Jirka Iyo Midnimada Somaliland” Ismaciil Yare.

Hargeysa(Caroog) – Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ugu awood sheeganayaan Xukuumadda islamarkaana ay ku hananayaan Shirgudoonka Golaha wakiilada iyo Maayarada Caasimaddaha Dalka.

Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare” oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo shalay warbaahinta u arkhriyay go’aan heshiis ah oo ay wada jir u gaadheen labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID ayaa sheegay in ujeedada Is-bahaysigani uu yahay mid dhidibada loogu sii adkanayo midnimada iyo waada jirka shacabka Somaliland, isagoo sheegay inay Xisbiyada Mucaaridku xaq u leeyihiin inay isbahaysi siyaasadeed samaystaan, sharciguna uu u ogol yahay, isagoo intaasi ku daray inay qoraalka heshiiska ah ee ay wada gaadheen labada Xisbi ay saxeexeen labada Gudoomiye ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in qoraalkan heshiiska ahi uu soo baxay kadib markii labada Xisbi Qaran ee WADDANI iyo UCID hogaankooda sare uu ka shiray sidii isbahaysi loo samaysan lahaa, islamarkaana ay  go’aankan gaadheen, Hogaanka sare ee Xisbiyaduna ay gudoomiyeen oo ay saxeexeen. Waxa ay samaysteen oo ay iska dhex saareen Gudi shan iyo shan ka kooban kuwaasi oo dhamaystiri doona heshiiska la gaadhay hirgalintiisa.

Qoraalka heshiiska ah ee ay wada jirka u soo saareen WADDANI iyo UCID ayaa u dhignaa sidan “Maanta oo ay bishu tahay 6th June 2021, waxa ay hogaanka sare ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID magacaabayaan gudida is-haysiga Xisbiyada Mucaaridka ah ee hogaaminta Goleyaasha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland”.

Magacyada Shanta Xubnood ee  Gudida Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

1 – Siciid Cumar Axmed “Siciid UCID”

2 – Shacayb Maxamed Muuse

3 – Axmed Maxamed Allaale

4 – Maxamed Cali Bilaal

5 – Bashiir Xasan Xamari

Magacyada Shanta Xubnood ee  Gudida Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

1 – Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

2 – Xirsi Cali Xaaji Xasan

3 – Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil yare”

4 – Cismaan Afgaab Nuur

5 – Maxamed Faarax Cabdi

Sikastaba ha noqotee, waxa ay u muuqataa inay Xisbiyada Mucaaridku u guntan yihiin inay la wareegaan Hogaaminta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Dalka ee dhawaan lasoo doortay kuwaasi oo hore iska ahaa madal ay Xukuumaddu iska maamulato islamarkaana ay danahooda ku fushato, waxaanay noqonaysaa haddii uu heshiiskani hirgalo, markii u horaysay ee ay Xisbiyada Mucaaridku ka arimiyaan Goleyaashan.

COMMENTS
Latest News