caroog.net
Xog-Hayaha Urur Goboleedka IGAD Oo Gaadhay Magaalada Jigjiga
April 6, 2021 - Written by caroog

Mudane. Workneh Gebeyehu oo ah Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga ee caasimadda DDS.

Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiinta Jaamacadda Jig-jiga ayaana garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ku qaabbilay Xog-hayaha oo ka qeyb-galayay shirwayaha 1aad ee jaamacadaha waddamada IGAD oo maanta ka furmay Jaamacadda Jigjiga.

Xog-hayaha ayaa ka mid noqonaya wafuud kala duwan oo isaga kala yimid waddamada geeska Africa si ay uga qeyb-galaan shir waynaha jaamacadaha IGAD.

shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxa kaqeyb galaya in kabadan 20 jaamacadood,iyada oo uu noqonayo shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay martigeliso jaamacadda Jigjiga.

COMMENTS
Latest News