caroog.net
Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo
December 30, 2021 - Written by caroog

Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo. 

“Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka.

Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.”

Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo.

COMMENTS
Latest News