caroog.net
Xoogaga Shabaab oo billaabay inay isku dhiibaan Galmudug
July 22, 2021 - Written by caroog

Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada gobolka Mudug uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow uusan shaacin magaciisa & waxa uu qaabilsanaa.

Falagle ayaa sheegay in sidoo kale saacadaha la filayo inay isa soo dhiibaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo koox-koox u socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa jiraa sarkaal sare oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay Number badan isu soo dhiibaan, iyaga oo koox koox u socda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay keentay culeeska la saaray kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada huwabta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dagaallada ay ka wadaan deegaanada dhaca koonfurta Mudug ee bartamaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab ee haatan ku sugan Galmudug in laga keenay meelo fog-fog, isla-markaana lasoo qalday.

“Waxaan is-leeyahay culeeska dagaal ee saaran wuxuu ahaa abid kii ugu cuslaa oo fuula, marka culeeskaas ayey aad u dareemayaan oo meesha ka jira, waxayna dadka u badan yihiin dhalinyaro meelo fog-fog laga keenay oo lasoo qalday,” ayuu sii raaciyey.

COMMENTS
Latest News